SAWIRO:- Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka caalamiga ah ee xiriirada kubadda koleyga adduunka oo ka dhacay Dalka Shiinaha

0

Madaxa Suuq-geynta Xiriirada Kubadda Koleyga ee Dalalka Bariga iyo bartamaha Afrika,Injineer Baana Cabdalla Cali, ayaa isaga oo matalaya Soomaaliya waxaa uu ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee xiriirada kubadda Koleyga Adduunka oo ka dhacay Dalka Shiinaha.

Shirkan oo Afartii Sanaba mar la qabto ayaa waxaa ka qeyb galay 213-ka Dal ee xubanaha ka ah xariirka Kubadda Koleyga aduunka ee FIBA oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Muddada uu shirka socday waxaa lagu doortay Mr HamaneNiang oo u dhashay Dalka Mali,kaas oo noqday Guddoomiyaha Afarta sano ee soo socota hoggaamin doona xiriirka kubadda Koleyga adduunka ee FIBA Injineer Baana Cabdalla Cali.

Mudane Baana oo ku sugan Magaalada Beijing ee Dalka China ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in uu guul iyo is Af-garad kusoo dhamaaday shirka, Islamarkaana ugu dambeyn Guddoomiyaha xiriirka kubadda koleyga adduunka loo doortay Mr Hamane Niang,kaas oo xilkan hayn doona illaa iyo Sanadka 2023.

Injineer Baana Cabdalla Cali ayaa dhinaca kale tilmaamay in uu kulan la qaatay masuu’liyiin ka socday qaar kamid ah dalalka shirka kasoo qeybgalay ,wuxuuna bidhaamiyey in ay dhammaantood ballanqaadeen in ay Garab istaagi doonaan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga oo Dalka ka wada dadaalo badan oo lagu kobcinayo qeybaha kala duwan ee kubadda Koleyga.

Dhinaca kale,Koobka kubadda koleyga adduunka ayaa ka furmay Dalka Shiinaha waxaana ka qeyb galaya 32 Dal oo Shan ka mid ah ay ka socdaan Qaarada Afrika, waxaana furitaanka tartankan goob joog ka ahaa masuu’liyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka China, Xi Jinping.