Al-Shabaab Oo Markale Weerar Ku Qaaday Ceel Saliini

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay markale ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah deegaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka kadib ayaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex maray ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay sheegtay inay ku dishay dhowr askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa  sheegay in howlgal saacadihihii la soo dhaafay ciidanka Xoogga ay ka fuliyeen gobolka Sh/ Hoose lagu dilay  7 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dhowaan ayey aheyd markii weerar lagu dilay askar badan ka tirsanaa ciidamada dowladda lagu qaaday deegaanka Ceel Saliini ee gobolkaasi.