Arday deeq waxbarasho ka heshay Itoobiya oo Muqdisho lagu sagootiyay.

0

Wasiir ku xigeynka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliita Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka munsaabad sagootin ah ugu sameeyay 300 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka dalka itoobiya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka dowladda Itoobiya u Fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa, Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Cismaaciil Yuusuf Cismaan iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Itoobiya kula dardaarmay inay ka faa’ideystan fursada ay heleen oo uu ku sheegay mid dahabi ah.

Jamaaludiin mustafa Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaaliya ayaa ardayda u sheegay in ay u diyaara garoobaan in ay hormariyaan waxbarashadooda, Dowladiisana ay ka go’antahey taageerada ardayda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuummadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa ah.