Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano oo ah Safiirka Dowladda Soomaaliya u jooga dalka Qatar ayaa ka warbixiyay xaaladda xaafimaad ee bukaanadii ku waxyeeloobay qaraxii Ex-koontarool ee loo qaaday dalka Qatar.
Safiirka Soomaaliya ee Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano ayaa sheegay in ay soo hagaagayso xaaladda caafimaad dhammaan bukaanadii loo qaaday dalkaas isla markaana ay helaan daaweyn wanagsan.
Isga oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa shaaca ka qaaday in dhaawacyada oo ahaa 23 qof la geeyay isbitaalka dhexe ee dalka Qatar, waxaana uu sheegay in 3-dex ka mid ah laga soo saaray Isbitaalka kadib markii ay soo hagagtay xaaladdooda cafimaad laguna daaweynayo goobo kale oo maadaba sidii hore ay ka wanaagsanyihiin.
Dalalka Turkiga iyo Qatar ayaa loo qaaday dhaawacyadii ugu badnaa qaraxii 28-ka bishii hore ka dhacay EX-koontarool Afgooye oo ay ku dhinteen in ka bada 80-qof 149 kalana ay ku dhaawacmeen.