Boqorkii dalka Cumaan Suldan Qabuus Bin Sacid oo 79 jir ahaa ayaa xalay xilligii dambe ku geeriyooday magaalada caasimada Maskat, isagoo dhawaan kasoo laabtay dalalka Jarmalka iyo Biljimka oo uu adeeg caafimaad u aaday.
Suldaan Qabuus ayaa 1970kii afgambi aan dhiig ku daadan aabihiis kala wareegay xilka boqortooyada, isagoo taageera ka helay boqortooyada Ingiriiska. Suldaanka ayaa wadanka Cumaan u horseeday horumar dhanka dhaqaalaha iyo shaqaleysiinta dhalinyarada ah.
Boqorkan ayaan waligiis guursan sidaas darted ma jirto cid dhalxi doonta, balse sida uu qabo sharci hoosaadka boqortooyada guddiga qoyska suldaannada oo ka kooban 50 rag ah oo xubin ka ah qoyskaasi ayaa sadex Maalmood kusoo dooran doona suldaanka dhaxli doona xilka.
Haddii qoyska boqortooada ay ku heshiin waayaan qofka xiga ee dhaxli doonta, xubnaha guddiga difaaca dalka, gudoomiyaha maxkamada, guddiga la talinta iyo guddiga qaranka ayaa furi doona warqad sir ah oo uu horay u qoray suldaan Qaabuus warqadaas ayuuna ku sheegay qofka uu la jecelyahay in uu dhaxlo.