Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo saraakiisha ugu sarreysa ammaanka dalkiisa kula shirayey Mombasa ayaa ku dhawaaqay dagaal kale oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Madaxweyne Uhuru ayaa saraakiisha amniga ee dalka Kenya ku amray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan xaaladda ammaan ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya oo weeraro khasaare geystay ay ka dhaceen todobaayadii la soo dhaafay.
Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka dhaqaalaha ku taageera Al-Shabaab iyo kuwa qorsheynaya in ay ku biiraan.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Booliska looga baahan yahay in dadka deegaanka ay u isticmaalaan qaab sirdoon ah, si ula socdaan xaaladda deegaanadaasi.
Al-Shabaab ayaan tan markii la guda galay sanadkaan cusub ee 2020-ka kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi Bari ee dalkaasi.