Waxaa Xoriyadiisa dib u helay Fanaan Khadar Ibraahim Keeyow oo kamid ah Fanaaniinta ugu Caansan Muqdisho, Kaasi oo saddex toddobaad ku xidhnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Sii daynta Khadar Keeyow ayaa waxaa gacan ka gaystay safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo xildhibaan Cabdulqaadir Carabow, oo ah xildhibaanka ku matala golaha shacabka.
Xildhibaan Carabow ayaa arrintan darteed uga baxay Muqdisho, muddana ku sugaa dalka Itoobiya, si uu u xaqiijiyo sii-deynta Khadar.
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee dowladda Itoobiya ayaa dabayaaqadii bishii December, Khadar Keeyow ka xidhay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Dowladaha itoobiya weli faah-faahin kama bixin sababta Khadar loo xidhay, balse Waxaa la Xaqiijiyey in Arinta lagu haystay ay tahay inuu Watay Baasaboor Itoobiyaan ah, oo Been Abuur ah, Kaasi oo la sheegay inay u samaysay Haweenay ku dhowayd Maamulkii Cabdi ILEY.