AKHRISO:- Wasiir Cawad Oo Qaabiley Wafdi Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Mudane Markus Bollmohr, Kuxigeenka Safiirka Germany ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda, Mudane Cabdiladiif Maxamuud Cali.

Intii kulanka lagu guda-jiray waxaa la isla eeggay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si loo adkeeyo wax wadaagga istiraatiijiyadeed, waxa kale oo ay isla fallanqeeyeen dhowr arrimood oo labada dal muhiimad u leh