Wararka ka imanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in ugu yaraan lix askari ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay la socdeen ay miino kula qaraxday meel u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey.
Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu haleelay gaari nooca Soomalidu u taqaan Cabdi Bilaha oo ay saarnaayeen ciidamadan.
Dhaawaca askartan ayaa la geeyey degmada Balcad mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay.
Hase yeeshee hore ayaa inta u dhexeysa degmada Balcad iyo degmada Jowhar waxaa ka dhacay qaraxyo miino ah oo lala beegsaday gaadiidka wadada mara ee ay adeegsadaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.