Madaxweynihii hore Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa ku baaqay in isku soo dhawaanshiyo laga sameeyo khilaafka ku horgudban dhismaha Maamulka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in aan la joogin waqtigii khilaaf lagu kala geyn lahaa dadka Galmudug, waxaana uu ka digay in la dhiso maamulo iska soo horjeeda oo caqabad ku noqda geedi-socodka Galmudug.
Waxa uu tilmaamay in duruufo kala duwan loosoo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug, maantana aan la joogin waqtigii dib loogu celin lahaa halkii laga keenay Galmudug sida uu hadalka u dhigay.
“Dhismihii GM waxaa loo soo maray wadda dheer oo ay ka mid ahaayeen isku imaatankii iyo wadaxaajoodkii belaha dega Galmudug, Xilligaas degaannada Galmudug waxaa ka jiray maamullo kala duwan oo tira ahaan aad u badnaa, Kuwo magac ahaan u jiray iyo kuwo dhab ahaan u jirayba” ayuu ku yiri Xasan Sheekh Maxamuud qoraalka uu kaga hadlay Xaaladda Galmudug.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameeyo cabashooyinka kasoo yeera Galmudug, wax walibana xal looga dhigi doono dastuurka dalka.
“Dadka reer Galmudug wada xaajood dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay in laga TANASULO oo la mideeyo maamulladii jiray xilligaas, Maanta waxaan rajeynayaa in Galmudug aaney dib ugu noqon meeshii ay ka timid” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Galmudug iyo hoggaamiyayaasha beelaha in la muujiyo dulqaad iyo tanasul si loo helo Galmudug mideysan oo leh hoggaan la wada doortay, si dhammaan dadka reer Galmudug ugu wada guntadaan in ay xoreeyaan degaannada ku harsan gacanta nabaddiidka ugana faa’iidaystaan FURSDAHA faraha badan ee ka jira deegaannadooda” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Ahlu sunna waxa ay dooratay Sheekh Shaakir 29-kii Janaayo, halka Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ay dib u dhigeen 30-kii janaayo doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka, waxaana ay qorsheeyeen in beri ay qabtaan.