SAWIRRO:-Madaxwayne Qoor-Qoor oo Kulan Xasaasi ah la yeeshay Hogaanka Ciidamada Galmudug

0

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye [Qoor Qoor] oo kulan gaar ah la yeeshey hoggaanada kala duwan ee Ciidamada Amniga ee Maamul Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor  ayaa uga mahadceliyey taliyayaasha sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkooda, Intaa kadib Madaxweynuhu wuxuu aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay kawada shaqeynta Amniga iyo sugida Ammaanka degaanada Galmudug.

Galmudug ayaa waxaa ka jiray Khilaaf balaadhan oo ka dhashay Doorashadii, Waxaana Madaxwaynaha Cusub looga Fadhiyaa inuu Mideeyo Galmudug , Islamarkaana uu dhaqaajiyo Maamulkiisa.