Xaaf oo ka jawaabay hambalyadii Mareykanka ee Qoor-Qoor

0

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sheegta in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga war bixiyey arimaha maamulka Galmudug, si gaar ah qoraalkii maalmo ka hor ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee hambalyada loogu diray madaxweyanaha Dhuusamareeb lagu doortay ee Axmed Cabdi Kaariye Qoo-Qoor.

Warqadda ka soo baxday xafiiska Xaaf ayaa lagu sheegay in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto uu faragelin qaawan ku hayo arrimaha Galmudug, isla markaana uu taageeray maamul lagu dhisay Afgembi, sida ku qoran warqadda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay in ay qaadato doorkeeda ku aadan Galmudug, iyada oo ka shaqeyneysa danaha guud ee maamulka iyo rabitaanka shacabka.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay wax ka bedasho siyaasadeeda Soomaaliya, gaar ahaan tan dowlad goboleedka Galmudug, isla markaana ay ka laabato go’aankii hore ee ay ku dhawaaqday.