Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa xiray wadooyin hor leh oo ku yaalla deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.
Nabadoon Cumar Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadka deegaanadaasi ayaa sheegay in meelaha la xiray ay ka mid tahay buundada Sabiib iyo Caanoole.