Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho lagula eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gebi ahaan uu qaraxa burbur xoogan u geystay Gaari nooca loo yaqaano Cabdi Bilaha oo ay Ciidamada wateen,isla markaana ay warar kala duwan kasoo baxayan khasaaraha ka dhashay qaraxaas.
Sidoo kale waxaaa wararka ay intaasi ku darayaan in uu jiro khasaaro xoogan oo dad Shacab ah oo goobta marayay uu qaraxa kasoo gaarey,hayeeshee aan weli laheyn tirada dadka ku waxyeeloobey qaraxaas.
Qaraxa kadib Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan,waxana muddo saaado ah hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee inta u dhaxeysa deegaanka Siinka-dheer iyo Ceelasha Biyaha.
Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar qarax khasaaro geysta lagula eegtaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.