Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa maanta waxaa uu dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kadib mudo uu maqnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Wafdiga Axmed Madoobe ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Xubno ka tirsan labada Gole ee maamulka Jubbaland iyo dadwaynaha magaalada Kismaayo.
Axmed Maodobe ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa uu kulamo kala duwan la qaatey Xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah bulshada ku nool magaaladaasi.
Madaxweyne madoobe inta uu ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa waxaa uu kulamo la soo qaatay qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka, masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan magaalada Nairobi iyo madaxda Kale.