Xiisad Dagaal ayaa ka taagan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, kadib markii maanta halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Jubaland iyo Ciidamo kale oo taabacsan Siyaaasi Cabdinaasir Seeraar.
Siyaasi Seeraar ayaa dhankiisa aaminsan in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubalanad, taasi oo keeneysa in ay caro geliso Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madooe.
Weli lama oga khasaarihii ka dhashay Dagaalkii ka dhacay halkaasi.
Balse, wararka qaar ayaa sheegaya in weli labada ciidan ay ishorfadhiyaan islamarkaana marwaliba la filan karo Dagaal dhexmara labada dhinac.
Shacabka Kismaayoa ayaa wajahaya walaac ku aadan Dagaal horleh oo ka dhaca Magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto.
Kala soco www.allgaduud.net waxii warkan ku soo kordha hadii Alla Idmo