Ciidamada xoogga dalka ayaa waxay howlgal miino baaris ah ka sameyeen deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Shabellada dhexe , ayaa sheegay in waddooynka ka baxa deegaankaasi laga saaray miinooyin badan oo ay Al-shabaab ku aaseen.
Sidoo kale, waxay sheegeen in ciidanku ay ku faafeen deegaanna ku dhow deegaankaasi, amnigana uu yahay mid wanaagsan.
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa muddooyinkaan dambe waday howlgallo ka dhan ah Al-shaaab, iyaga oo doonaya iney ka saaraan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabellada dhexe, islamarkaana halkaasi miinooyinka ay kaga soo saari lahaayeen.