DHAGEYSO:-Jubbaland oo sheegtay in ciidamo ka goostay DF ay ku biireen

0

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey in ku biireen qaar ka mid ah ciidamadii ay dhawaan dowladda federaalku geysay gobolka Gedo, oo ka mid ah gobollada maamul ahaan hoos taga Jubbaland.

Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo u waramay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay  in ciidamo iskugu jira militeri iyo boolis, gaar ahaan kuwa Haramcad ay ku biireen maamulkooda Jubbaland, kuwaas oo qeyb ka ahaa sida uu sheegay ciidamadii ay dowladda federaalka Muqdisho ka qaaday ee la geeyey magaalada Beled-Xaawo.

Afhayeenku ma shaacin tirada ciidamadaas uu sheegay in ay ku biireen maamulka Jubbaland, balse waxa uu balan qaaday in ay dib kasoo sheegi doonaan.