Dawlada Uganda oo ciidamo hor leh u soo diraysa Soomaaliya

0

Dawlada Uganda ayaa waxa ay diyaarinayso qorshe ay ciidamo dheeraad ah ugu soo dirayso Soomaaliya, si ay uga qayb qaataan hawlgallada ka dhanka ah dagaalmayaasha Al-Shabaab ee ay kula jirto dawlada Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ee ay dawlada Uganda u soo dirayso Soomaaliya ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 2143 askari, waana askar dhawaan soo dhammaystay tababar muddo bil ah, kaas oo ay ku soo qaateen xerada Singocam.

Ciidamadan ayaa marka ay soo gaaraan Soomaaliya waxa ay qayb ka noqon doonaan ciidamada AMISOM ee qaybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliy.

Waxa ay ku soo aadayaan ciidamadan xilli ay kal hore u shaacisay dawlada Uganda in ay Soomaaliya kala bixi doonto ciidamadeeda horay u joogay, balse taa badalkeeda ay hadda wado qorshe lagu soo kordhinayo ciidamada jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah hawlgallada AMISOM.