DHAGEYSO:-Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Sharciyo ay diideen Puntland & Jubbaland

0

Madaweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu ka hadlay Sharciga doorashooyinka iyo kan Batroolka oo ay ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal,sidoo kalena uu saxiixay,kaas oo ay horay u qaadaceen Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in Sharciga Batroolka uu kasoo bilaawdey heshiiskiisa Shirkii Magaalada Baydhabo ee looga hadlayay arrimaha qeybsiga Kheyraadka dalka,isla markaana uu yahay mid ay ku wada heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.