Xasan Sheekh oo dhaliilay siyaasada dowlada ee arrimaha Kenya iyo Somaliland

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Muqdisho kula hadlay saxaafadda ayaa aad u dhaliilay siyaasada dowlada federalka gaar ahaan xiriirka dalka Kenya iyo mowqifka dowlada ee wadahadalada Somaliland.

Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku dhaliilay dowlada Federalka inaysan hab diblumaasiyad ah ula dhaqmin dalka Kenya.

“Dowlada iyadaa u carab laalaadisay dacwadii badda ee Kenya nagala dhexeysay waxayna ku qanacsanayd in dib loo dhigo,diblumaasiyadna been magasho waxa ay Kenya ku haystaan waa dacwadii badda oo ay raali ka noqdeen in wadahadal iyo meel aan maxkamad ahayn lagu dhameeyo.”ayuu yiri Xasan Sheekh oo ay ka muuqato degenaan iyo kalsooni.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa su’aal ka keenay in dowlada Eritrea la soo dhoweysto isla markaana hoggaamiyaha Ethiopia laga dhigto mid xabiib la ah Soomaaliya halka dowlada Kenya la iska fogeeynayo.

“Maanta dunida waxaa la joogaa xilli aysan milatari xoog ku maamuli karin dal marka in la yiraahdo xuduudaha ayaan soo xireyaa ma aha mid waqtigeeda la joogo.”ayuu yiri Xasan Sheekh oo hadal sarbeeb ah ku sheegay in dowlada federalka ay hadda dooneyso in xoog ay wax ku maquuniso.

Isagoo ka hadlay arrinta Somaliland ayuu Xasan Sheekh Maxamud waxa uu si qabow u soo dhoweeyay cudurdaarkii uu bixiyay Madaxweyne Farmaajo,waxana uu saluug kamuujiyay hadalo uu cudurdaarka ku laray Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa si weyn uga soo horjeestey in booqasho Madaxweynaha Soomaalia ku tago magaalada Hargeysa isagoo uu la socdo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

“Somaliland arrinteedu waxay soo taagneed 30-sano, dadkii wax soo kala gaareen inta is xali waayeen, anigoo nin kale diyaaradiisa saaran ayaan tegayaa oo soo xalinayaa mid suurta gelee maaha, taasna cidda madaxweynaha kula talisay garan mayo,”ayuu yiri Xasan Sheekh.
Waxana uu dhaliilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya la taliyaasha Madaxweynaha isagoo ku tilmaamay inay yihiin kuwo arrinka ka sii daraya.

“laakiin la-taliyaasha madaxweynaha ayeyba maanta afkaartoodu banaanka taal oo leh, khaa’iniin waayee dadkey kala gooyeen, in la ciqaabo waaye, iyo mid yiraa wixii dadkaas ku dhacay sax bey ahaayeen, maanta dadka madaxweynaha dhinacyada ka fadhiya oo la taliya waa kuwaas” ayuu hadalkiisii sii raaciyay Xasan Sheekh.