Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Ceel-Cali ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeya dadka deeganka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Iska hor imaadkaan ayaa yimid kadib markii sida la sheegay deegaanka lagu arkay Dhagax qaali ah oo dadka deegaanku ay heleen, taas oo sababtay in Al-Shabaab ay weeraraan dadkii helay dhagaxda qaaliga ah.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa waxa ku geeriyootay laba ruux oo shacab ah, halka Al-Shabaab uu iska hor imadkaas uu ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.