Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukuno ku riday Rag lagu eedeeyey inay dhac ka geysan jireen Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa loo heystaa in ay yihiin koox ka qaatayaal ah oo loola jeedo koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada iyo Kombiitarrada.
Sedaxda eedeysane ayaa mid kastaahi fursad loo siiyay in ay ka jawaabaan eedda ay u jeedisay Maxkamadda oo ay horey u soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka Sida.
Eedeysanaha koowaad Maxamed Cabbduqaadir Maxamed Cumar Xalane ayaa u sheegay garsoorayaasha in uu bixiyay laba dollar oo mid kamid ah labada eedeysane weydiistay kaasi oo aqoon hore ka dhaxeysay balse aysan jirin wax fal dambi ah oo uu kala qeyb qaatay labada eedeysane.
Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame oo ah eedeysannaha labaad, sidoo kalane ahaa eedeysanaha isku dayay in uu dilo Askariga maraya xaafadda taleex ee degmada Hodan ayaa Maxkamadda u sheegay in uu jiro shaqsi kale oo isna kamid ah kooxdan oo xilligaasi kula jiray howlaha Burcadnimada ah, waxa uu sheegay in uu ku hubeysnaa Bistoolad Taate ah sidoo kale hadda ka hor saldhiga degmada Wadajir loogu xiray tuuganim.
Eedeysanaha Sedaxaad Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa ahaa milkiilaha mootada, waxa uuna u dhiibi jiray sida uu qirtay eedeysanaha labaad mana jirin wax kale oo xiriir ah oo ka dhexeeyay marka laga yimaado in ay is fahansayeen sida uu u sheegay Garsoorayaasha.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa uu ku dhawaaqay ku xukunka, waxaa uuna sheegay in Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar la siiyo xurriyadiisa hadii uusan jirin dambi kale halka Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah.