Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dalka loo xasilin lahaa.
Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe] ayaa tilmaamay in xukuumadda ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab looga adkaan lahaa.
Dadweynaha ayuu ku booriyey in warbixinadda la xiriira dhanka nabad-gelyadda ay la wadagaan Hay’addaha Amaanka.
Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiir Amar dambe ayaa ku nuux-nuux saday in taageerada caalamiga ah ee ciidanka ay korodhay.
Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo uu tababar ugu soo xiray Ciidamo u tababartay Dowlada Turkiga.