Wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka hadlay shirka la qorsheeyay inuu ka furmo magaalada Garowe 15ka bishaan ayaa ku tilmaamay inuu yahay shir waxtar u leh shacabka Puntland.
Wasiirka wasaaradaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka dalbaday shacabka deegaanada maamulkaasi in aysan wal-wal ka muujin shirka oo lagu miisaami doono doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya.
“Shirka ka dhacaya Garoowe 15-ka bishaan waa mid waxtar u leh Puntland, yaan laga hordhicin balse aynu sugno inta uu kasoo idlaanayo, waxaana dadka ugu baaqayaa in aysan ka walwalin.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Puntland.
Qabashada shirweynahan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka ka dhex jira dowlada Federalka iyo qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka.
Shirkan ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan mucaaradka iyo weliba hogaamiyaasha xisbiyada dalka ka jira.