Xukun dheer oo lagu riday nin lagu qabtay Marka

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Axada maanta ah xukun xabsi ah ku riday Muuse Maxamed Axmed oo loo heysto in uu ka tirsanaa jiray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Muuse ayaa maxkamadeyntiisu waxa ay soo martay heerar kala duwan waxaana lagu eedeeyey in uu Al-Shabaab u farsameyn jiray qaraxyada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamadda derajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Qoraalka maxkamadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Muuse Maxamed Axmed oo wata walxaha qarxa sanadkii hore ee 2019-kii lagu qabtay gudaha magaalada Marka, xilligaas oo sida la sheegay uu ka mid deegaanka Jannaale ee isla gobolka Shabeellada Hoose.

Inta ay socotay dooda Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa u sheegay garsoorayaasha in eedeysanaha uu isticmaalay dhagar aan laga maleysan karin, isaga oo isku dhex milay raashin dareere ah iyo walxaha qarxa, si uu ku geliyo gudaha degmada Marka.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, ayaa sheegay in Muuse Maxamed Axmed lagu xukumay 10-sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale guddoomiye Shuute aya sheegay in xukunsanuhu uu heysto fursad kale oo uu xukunka uga qaadan karo racfaan, taas oo ku eg 30-cisho gudahood.