Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed, waxaa maanta safar Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhanka kale ah Caasimadda Dowlad Goboleedka KGS Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha oo ay qayb ka yihiin saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay tagay Degmada Baraawe, halka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada heegan la geliyay.
Ciidamada ammaanka iyo Kuwa Midowga Afrika ayaa isku gedaamay guud ahaan Magaalada si ay u adkeeyaan Amniga, maadaama Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta tagayo.
Ujeedka safarka Madaxweynaha ee Baraawe waxa ay sheegeen saraakiil katirsan KGS in uu xarig jar ku sameynayo Garoonka diyaaraha Magaaladaas oo dhawaan dib udhis lagu sameeyay, lana casriyeeyay qaybta ay diyaaraha kusoo degan kuna duulaan (Run Way).