Gen Townsend oo ku tilmaamay duqeynta ay ka geystaan Soomaaliya mid waxtar leh

0

Taliyaha Howlgalka Mareykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM Stephen Townsend ayaa ku tilmaamay duqeynta ay ciidamada Maraykanka ka geystaan ay noqotay kuwo sababa in awooda Al-Shabaab ay wiiqanto.

Gen Stephen Townsend ayaa sheegay in Mareykanka ay u muuqato awood dhac ku socoto Al-Shabaab, sabab la xiriirta weerarada ay fuliyanayaan oo joogto noqotay.

“Duqeymaha waxa aan xaqiiqdii rumeysanahay in ay yareynayaan awoodda Al-Shabaab, waxaan aragnaa in ay ka baxayaan meelaha aan xoogga saarno, muuqaal ahaan waxa aynu arkeenaa iyaga oo ka baxaya”.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ah ee uu ka geysanyo gudaha Soomaaliya, waxaana ujeedka ay ku sheegeen in ay kaga hortagayaan Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen in ay khatar ku yihiin Dowlada Federalka Soomaaliya, AMISOM iyo danaha Mareykanka.