Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar dambe oo qayb ka ahaa Wasiiro iyo xildhibaanno katirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta gaaray Magaalada Baydhabo waxa ka hadlay howlgalada Ciidamada Dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha abaabulka Ciidamada Dowladda uu marayo meel wanaagsan, isla markaana Ciidamada ay isku diyaariyeen sameynta howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxa uu tilmaamay in saraakiisha Ciidamada Dowladda, Kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed iyo AMISOM uu kala hadlayo sida loo fulin karo howlgalada ay qorsheysay Xukuumadda Soomaaliya.
DFS waxa uu wasiir Xasan sheegay in ay ahmiyadda siisay diyaarinta iyo isku-daba ridka Ciidamada Dowladda oo tababar iyo agab ay ku howlgalaan la siiyay, isaga oo xusay in ujeedka Dowladda uu yahay sidii ciidamada ammaanka ay gacanta uga dhigi lahaayeen deegaanada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhanka kale soo hadal qaaday cuna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya sida uu u saameyeyn karo howlgalada ciidamada Dowladda, waxaana uu meesha ka saaray in xayiraadda hubka ee Soomaaliya aysan kahor istaageen howlgalka askarta.
Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran dalka muddada dheer, si ciidamada Dowladda loogu helo agabka ciidanka, maadaama xayiraadda ay saameyneyso hubka culus.