Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo maanta bilowday qeybinta qalab caafimaad oo loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19).
Waxaa maanta qalabkaan lagu wareejiyay Punland iyo Somaliland, waxaana qorshaysan in loo sii dhiibo qoondadooda Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Deeqdan waxay Soomaaliya uga timid Alibaba Foundations.