Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Ku Yaalla Jubbada Hoose

0

Dagaal socday muddo ku dhow saacad ayaa waxaa uu deegaan kaabiga ku haya xuduurka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamo ka tirsanm kuwa maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa la sheegay inuu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan Jubbaland ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Dag-caday oo hoostaga Degmada Dhoobleey.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayeen Jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsaneeyeen Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab, In kastoo aysan cadeyn karin Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.