Go’aano laga soo saaray dagaal beeleed dhawaan ka degmada Wanlawayn ee Shabeellaha Hoose

0

Guddigii Dowladda Faderaalka Soomaaliya u dirtay degmada Walawayn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku guulaystay in ay heshiis kala dhexdhigaan beelihii walaalaha ee ku dagaalamay deegaakaasi six al looga gaaro colaadaasi.

Guddiga ayaa soo saaray Go’aanno Sharciga lagu hor geynayo Sargaal, Xildhibaanno dowlad goboleed, maamulkii Degmada iyo qodobo kale oo lagu xaqiijinayo in deegaankaasi uu san ka dhicin dagaal beeleed kale.

In tirada guud ee ku geeriyoodatay dagaalkii sokeeye ay ahayd 24ruux, kuwaas oo 9-ka mid ah ay ku geeriyoodeen dagaal toos ah, halka 15qofood loo dilay qaab aargoorsi ah, islamarkaana si naxariis daro oo anshax xumo ah loo dilay sida ay sheegeen guddigii dowlada Soomaaliya u dirtay Wanlawayn.

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax kala dire oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle iyo Xildhibaan Mayow Mustaf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo heystaa in ay ka qeyb ahaayeen dagaalladii ka dhacay degmada Wanlaweyn.

Maxkamadda Ciidamada ayaa amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo Xildhibaanada lagu eedeyay hurinta Colaad beeleedyada.

Xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada ayaa sheegay in maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle laga dalbanaayo in Xildhibaanadaasi Maxkamad la geeyo iyo xarumaha baarista.

Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka loo heysto dagaalkii Walaweyn Salaad Tifow oo ah abaanduulaha qeybta 7-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedkii-Guddigga