Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa sheegay in xisbiga barwaaqo uu ka sakow hir-galinta geedi socodka barwaaqada uu xisbigu ka shaqaynayo sidii hogaamin tayo iyo karti hogaamineed leh loo abuuri lahaa.
Abiye Wuxuu sheegay In xisbiga barwaaqo uu wado sidii wadanka itoobiya looga abuuri lahaa hogaamin aragti dheer oo iyagoon ujeedada iyo hadafka xisbiga aan garab marin hawlo midho dhal ah oo taariikhda gala kasamayn kara dalka.
Dr Abiye Axmed ayaa cadeeyey in hogaaminta looga baahan yahay in ay noqdaan xubno dhibaatooyinka shacabka kadamqada, oo caqabadaha jira si xilkasnimo leh uxaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hogaaminta dhalinyarta ah ee dalka hogaamiya looga baahan yahay inay noqdaan kuwa karti leh oo xal uraadiyana dhibaatooyinka soo food saara bulshada.
Ugu dambayntiina R/wasaare Dr Abiy Axmed ayaa tilmaamay in ayna jirin cid isbadalka dalka Itoobiya ka hanaqaaday tan iyo Markii uu Xilka Qabtay aysan Jirin Cid Marin habaabin karta.