Qarax caawa ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa bambo gacmeed lagu weeraray ciidamo ka tirsan booliska maamulka Puntland oo marayay agaga gaarka Iskuulka Cumar Samatar ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijitay 1 askari ayaa ku geeriyooday, halka labo kalana ay ku dhaawacmeen qaraxa

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoona baaritaano hor leh ay caawa ka soconayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug