Sawir Qaadihii Taliyaha Ciidanka Asluubta oo lagu dilay Muqdisho

0

Koox hubeysan ayaa  Degamada Howlwadaag gaar ahaan Xaafadda Tookiyo ku toogatay Cabdulqaadir Xasan Maxamed oo ku magac dheer (Awalad Yare) oo ahaa Sawir qaadaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka & Dad kala duwan ayaa u xaqiijiyay in (Awalad Yare) lagu dhex dilay Istuudiyo uu ku lahaa Degmadaas, waxaana uu dhowr tallaabo u jiraa Isgoyska Howlwadaag.

Sidoo kale Cabdulqaadir Xasan Maxamed oo ku magac dheer (Awalad Yare) waxa uu ahaa Sawir qaade & Muuqaal duube Aroosyada & Xafladaha gaarka ah, muddo dhan 8-sano ayuu Istuudiyo ku lahaa Degmada Howlwadaag.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay dilalka ay geysanayaan Kooxaha hubeysan, Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa sameeya baaris aysan soo gudbin natiijada kasoo baxda.

Isla todobaadkaan Degmada Dayniile koox hubeysan ayaa dil wadareed u geysatay saddex Haween oo ka shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu baarayo.