Maamulka degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubnihii Shabaab looga dilay dagaalkii shalay, saanad ciidan oo looga furtay dagaalka iyo maxaabiis nool.
Saraakiishu waxay sheegeen in la tiriyey meydadka 70 Shabaab ah, waxaana raga la dilay ku jira xubno ajaanib ah, sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay oo maanta fagaaraha Baxdo lagu soo bandhigay Shabaabkii waday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa.
Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa howlgalkaan ku amaanay dadka reer Baxdo iyo ciidamadii kale ee u soo gurmaday, waxayna reer Baxdo dowladda dhexe iyo Galmudug ka heleen balan qaadyo garab is-taag ah.
Dhinaca kalena, ugu yaraan 42 arday oo deegaanka Baxdo ku dhameysatay waxbarashada dugsiga sare ayaa maanta deegaankaas ku galeysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, guddoomiyaha degaankaas Maxamed Cabdullahi ayaa u sheegay in haatan wax cabsi ah aysan ka jirin Baxdo.