Ummaddaa Iska leh Awooda Go’aamineysa Dalku Cadowga uu Leeyahay

0

Yaa iska leh inuu shaaciyo cadowga uu dal iska leeyahay? Xogta uu dal ugu aqoonsanayo dal kale inuu yahay cadawgiisa waxey dadku sooyaalkooda ugu suntaan cadowgooda soo jireenka ah oo u qeybsama mid wakhti kooban ku abuurmay duruufo soo jirey oo ka dhalatay xaalado taagnaa xiliyo gaara oo dabadeed xasaradahoodii laga soo gudbey, laakiin reeba masiibooyin sabab u noqda iney ka abuurmaan cadow joogto ah oo dhibaatadiisa dalku la noolaaneyointa uu jiro.

Dal walba dadkiisu waxey sameystaan dastuur ay ku qeexayaan aragtiyada saldhiga u ah wadaniyadooda, jiritaankooda qaranimo, iyo midnimadooda shacab, sidaasna waxaa si dadban ugu cad cida cadowga ku ah fikrad ahaan ummadda iyo dhulalka dalkooda. Dhagarta ugu weyn ee ummadda sooyaalkooda lagu dhaxal wareejiyo waxey timaada marka cadowgoodu uu u sameeyo dastuurkooda oo bartilmaameysigooda ugu weyn uu yahay sidii loo dhalanrogi lahaa jiilasha mustaqbalka fog imanaya.

Mustaqbalka dhow dastuurkaas la soo minguuriyey wuxuu abuurayaa jahwareer dadka looga mariin habaabinayo cida ay tahay iney u aqoonsadaan cadowgooda, waxeyna madaxda sare ee dalka oo danwadaagta la ah wehelkooda shisheeyaha oo ay kala shaqeynaya danahooda ku dhisan kala daneysiga ay la imaanayaan xeelado ay dadka cadowgooda ugu muujinayaan cid kasta oo ay u arkaan inaysan xiriir wanaagsan kala dhexeyn danahooda siyaasadeed ama aan ku taageerin taakulo dhaqaale ama mileteri oo ay dalka xukunkiisa ku sii joogaaniyo kuwaay ku dhibsadaan iney gabaad u noqdaan mucaaradka siyaasadahooda ka soo horjeeda.

Siyaasi walba oo dalka Soomaaliya madax ka noqda waxaa isaga qaldama cadowga soo jireenka ah oo ay ummadda Soomaaliyeed leedahay shacab ahaan iyo dal ahaan, iyo saaxiibtinimada shisheeye oo ay xukunkooda ugu saleynayaan danaha siyaasadahooda ku wajahan yaboohsiga ay ku raadinayaan taakulo siyaasadeed, dhaqaale, iyo mileteri oo ay ku doonayaan weligood iney xukunka wakhti dheer baaqi ku ahaadaan, iyagoon marna aan tixgelin iney ka gaabsadaan saaxiibtinimadda ay la yeelanayaan cida ay ummaddu u aqoonsan tahay cadowgooda.

Waxaa nasiibdaro ah in dowladda Itoobiya oo kaashaneysa saaxiibadeeda soo jireenka ahaa oo horay ugu taageeray iney ku wareejiyaan dhulal Soomaaliyeed ay haddana iyagoo talowadaag fikradeed la ah dalalka addunka ugu awooda badan ay go’aamiyaan in xeelad ahaan dhagartooda ay ugu igmadaan iney u fuliso Qaramada Midoobey oo wehelsaneysa maamul goboleed ay dantu ka gashay iney dhaqaale ku helaan iyo iney ku helaan taageero caalamiya oo tixgelin gaara loogu siinayo siyaasadahooda ku dhisan sadbursiga iyo sareynta.

Mashruucii dastuurka loogu sameyey Soomaaliya oo fikradahiisa inta badan dibeda laga soo xawiley ayaa waxaa lagu bartilmaameystay in sharciyan maskaxda Soomaalida laga saaro aragtidii ku dhisneyd wadaniyada Soomaaliyeed oo ahayd rajada loogu jirey baadigoobka midnimada dhulalka Soomaaliweyn, taas oo bedelkeeda ay Itobiya ka shaqeysay iska soo horjeedinta maamul goboleedyo oo nacab ahaan iskuwada diidan, haddana nacab ahaan uga wada soo horjeeda dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxeyna taas ahayd ujeedada laga lahaain jiilalka hadda nool laga sii jeediyo wadaniyadda ku dhisan Soomaalinimada , laguna mashquuliyo xiiseynta federaalka oo ah tab cusub oo qabyaaladda loogu sameeyey magac cusub oo ayu xuub siibatey.

Cid kasta oo ummadda Soomaaliyeed dhulalkeeda kala goysey waa cadowga ummadda, sidaas si la midana cid kasta oo shisheeye ah oo xoog ku haysata dhulalka Soomaalida oo aan tixgelin rabitaankooda ummaddeed oo ay ka doonayaan ka tashiga aayatiinka mustaqbalkooda waa cadowga ummadda Soomaaliyeed. Intaas wixii ka baxsan waa cadow siyaasadeed oo wakhti kooban uu jiritaankiisu ku siman yahay, sida tusaale ahaan cadowga Alshabaab iyo cadowga sheegta gooni isutaaga maamulada ka tirsan degaanada dalka oo ka gadooda kadib marka ay timaado duruufo gaara oo ay dhibsadaan.

Itobiya, Kenya, iyo Jabuuti waxey dhamaantood ka siman yihiin iney ka soo wada horjeedaan midnimada dhulalka Soomaaliweyn iyo wadajirka shacabkooda Soomaaliyeed, waxeyna ka wada siman yihiin in la awoodtiro jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya si xaraashka kheyraadkeeda ay wax ugu yeeshaan ama dalalkoodu ay noqdaan saldhigyada laga hagayo maamulidda kheyraadkeed. Dowladda dhexe waxaa maamulideeda geedfadhi u ah xaruumaha siyaasadeed eeku kala yaala Kenya iyo Jabuuti, Meesha maamulidda maamul goboleedyada loo madaxbanaaneeyey Itobiya.

Dastuurka loo soo dejiyey Soomaalida oo ahaa mashruuc ay maalgelintiisu ku baxday lacag ka badan 50 milyan oo Dollar oo maamul goboleedka Puntland ay ka heleen qeybta ugu weyn, inta kalana ay ku baxday laaluushida madaxda sareee dalka iyo hawlwadeenadii ka socdey Qaramada Midoobey oo loo soo xil saaray fulinta mashruucaas, waxaana ugu weyneyd ajendahiisain Soomaalida lagu qanciyo in wadaniyadaSoomaaliya aan lagu saleyn sinjiga Soomaalinimada, balse dadka deriska ka soo gala ay xaq u leeyihiin wadaniyada Soomaaliyeed sanooyin kadib markaay ku noolaadaan Soomaaliya.

Madaxda Soomaaliyeed xaq uma lahan iney cadow dalka uga dhigaan cid ay siyaasad ahaan isku maandhaafaan danahooda, sidaas si la midana wadani ugama dhigi karaan cidii ay la jeclaadaan ama ay isku fahmaan danahooda, balse ummadda Soomaaliyeed sooyaalkeeda ayaa cadeynaya cida cadowga u ah iyo cida jiritaankeeda diidan, waana taas mida madaxda looga baahan yahay iney masuuliyad iska saaraan in fikradaha dhaxalgalka u ah ummadda lagu xardho dastuurkooda, lagana saaro dhagarta cadawgu uu soo dhex geliyey.

Derisnimo-wanaag ku wada noolaashaha deriska waa diblomaasiyad xiriirkeeda looga baahan yahay in madaxda Soomaaliyeed ay si taxadar leh oo sinaanteedu dheelitiran tahay ay kala shaqeyso cadowga iyo saaxiibka deriska la ah ama ah deris xigeenkeeda, waxeyna tani ay fursad u tahay qaabeynta siyaasadaha madaxa dalka oo sida isxigxiga isku bedelaya ineysan ku sirmin ineysan iyagu ahayn shaqsiyaadka go’aamineya cida Soomaaliya u ah saaxiibka ama cadowga la ah.

Waxaa qoray Dr. Saciid Ciise Maxamud. Kala xiriir Saciidciise258@aol.com