Dhuusamareeb: Doodda Magaca iyo Aragtida Dadka

0

Inta aan ka garanayo ama la iiga sheegey, dadka gobolka Galgaduud, waa dad ku hadla lahjad cad oo fudud, laalaab iyo baraxna aan laheyn. Sida ay aaminsan yihiin Cadceed Shiikh-doon Diiriye iyo Cabdi Xaashi Xaayoow oo ka tirsan odoyaasha gobolka, lahjadda qoran ee Afka Soomaaliga ah, ayaa ka soo jeeddaa Gobolka Galgaduud. Odoyaasha ayaa intaas ku darey, in Gobolka Galgaduud uu dhaco bartamaha dalka, isla markaana, yahey halka ay ku kala gaddoomaan lahjadaha Afka Soomaaliga. Sidaas ayeyna sheegeen in loo qaatey lahjadda dadka gobolkaas.

Inkasta oo dadka gobolkaas ku hadlo lahjad cad, haddana afkoodu erey kasta ma qabto. Sida ay ii sheegeen odoyaal deegaanka, dadka iyo dhaqankoodaba wax ka yaqaan, waxaa jira ereyo ama falal ay afkooda ka ilaashadaan, iyaga oo badalkooda adeegsada ereyo kale oo maldahan ama sarbeeb ah ama si kale u dhigan ama la soo tobalsadey, waxaana ka mid ah ereyadaas;

1. Dhuuso, badalkeeda waxay adeegsadaan “Neef”
2. Xaar, badalkeeda waxay adeegsadaan “Saxaro” ama “cilaaq”
3. Galmo, badalkeeda waxay adeegsadaan “Jamaac” ama “howl-gudasho”
4. Musquleysi ama musqal gal, badalkeeda waxay adeegsadaan “Xaajeysi”
5. Shuban, badalkeeda waxay adeegsadaan “Calool bax.”
6. iyo erayo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Erayo badan oo afka Soomaaliga ah ayey dadka gobolkaasi sarbeebaan ama maldahaan ama adeegsadaan jumlooyin aan toos aheyn. Sababta ay uga leexdaan erayadaan, waa in ay yihiin erayo la xariira falal ama waxyaabo aan la jecleysaneyn marka la maqlo ama falal aysan habbooneyn in qofkasta uu maqlo, sida; caruurta oo kale.

Xaqiiq waxaa ah in magaca lagu yaqaanno magaala madaxda Gobolka Galgaduud, “Dhuusamareeb” uusan ku bixin afka dadka gobolkaas, ha yeeshee, su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah; sidee ku yimid magacaan? Maamuladii soo marey magaalada miyaa bixiyey magaca, mise meel kale ayuu ka yimid?

Magaalo madaxda Gobolka Galgaduud, haddana ah caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, waxay dhacdaa Bartamaha Gobolka. Meesha hadda ay magaaladu ku taalo, waxaa hore loogu magacaabi jirey Xammureey, waxayna aheyd dhul howd oo aan la mari akri, sida uu ku sheegey wareysi uu bixiyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Galgaduud Mudane Yusuf Xasan Ciyoow. Markii uu Talyaanigu qabsadey deegaankaas ayuu amrey in qabiil kasta Ceel ka qodo si loo dego. Guddoomiye Ciyoow, ayaa sheegey in biyihii ugu horrreeyey ee laga cabey ceelashaas ay dadkii ku shummeen, waxaana laga sameeyey maadeysiyo iyo magacyo kala duwan.

Dhinaca waqooyi-bari, meesha magaalada looga baxo, waxaa ku taaley dhir badan oo laga hoos duso, waxayna gaadiidka kala hari jirtey dharka dadka Saaran iyo alaabaha kale, dusmada ayayna caan ku aheyd. Sidoo kale, waxaa laga soo wariyey dadkii joogey bilaawga magaalada, in nin saarnaa gaari, uu geed qabsadey, kaddibna kala harey gaarigii uu saarnaa, wuxuuna ku soo dhacay dhulka, iyada oo ay gaareen dhaawacyo fudud. Dadka qaar ayaa magaalada ula baxay Dusma-reeb, iyaga oo ugu magac daraya dusmada ka sameysantey dhirta. Dad badan oo degaanka ah ayaa aaminsan in magaca saxda ah ee magaaada uu yahey “Dusma-reeb,” laakiin ay badaleen dad ku talagaley in ay caayaan deegaanka, iyaga oo ka dhigey halkii “Dusmo” aheyd “Dhuuso.”

Cadceed Shiikh-doon Diiriye oo ka mid ah odoyaasha magaalada, muddo aad u dheerna ka shaqeynayey maamulkeeda, ayaa sheegey in deegaanku ahaa howd dhir badan, iyada laga cabi jirey Ceelal laga qodey dhirta hoosteeda. Mr. Cadceed ayaa intaas ku sii darey, in dadkii ugu horreeyey ee ka cabey Ceelasha laga qodey magaalada ay ku shummeen. Nin ka mid ahaa dadkii biyaha ku shummey ayaa laga diiwaan-geliyey ereyo ay ka mid ahaayeen “War tani dhuuso ma reebeyso.” Sida ilo kala duwan ay sheegeen, ninka erayadaas adeegsadey, kama tirsaneyn dad deegaanka, waxaana la xusey in uu ka yimid, kana soo jeedey dhulka hadda loo yaqaanno gobolka Mudug.

Gobolka Galgaduud, gaar ahaan, deegaanka ay dhacdo Dhuusamareeb, waxaa aad u joogey oo ku nooleyd duur-joog laheyd noocyo kala duwan, taas oo tookadeeda ka cabi jirtey Ceelasha magaalada laga qodey. Nabadoon Cabdi Xaashi Xaayoow oo ka mid ah odoyaasha magaalada ayaa qaba, in Magaca “Dhusa-mareeb” laga keeney, Maroodi qabsan jirey, kana cabi jirey Ceelasha, kaas oo marka uu biyaha cabo, doonayana in uu baxo, kiisa labka ah ee ugu weyn uu sameyn jirey cod dheer, si uu ugu baaqo xubnaha kale ee raxantiisa. Dadka ayaa Ceelasha imaan jirey marka uu Maroodigu ka tago, waxayna is weydiin jireen “War Maroodigii Dhuusa-mareebey?” taas oo ka dhigan, “War Maroodigii ma ka tagey ceelka?”

Soo noqoshadii Talyaaniga, ayaa magaalada waxaa ku soo laabtey wakiilkiisa arimaha maamulka, wuxuuna xaruun ka dhigtey xaafiiskii hore ee uu magaalada ku lahaa, kaas oo lagu magacaabi jirey “Daar-dheer.” Sida uu xogwareysi lala yeeshey ku sheegey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Galgaduud, Mudane Yuusuf Xasan Ciyoow, wakiilka cusub ee Talyaaniga ayaa go’aamiyey in magaalada loo sameeyo magac cusub, kaas oo isagu bixiyey, wuxuuna ku magacaabey “Nasiib-badan.”Magacaan ayaa lagu naqshadeeyey dhagax, waxaana la sheegey in uu ku aasey gudaha xaafiiska maamulka ee sarta Daar-dheer.

Dadka qaar ayaa aaminsan in Magaca Magaalada laga soo qaatey biya-xireenka weyn ee Magaalada, waxayna ku doodayaan in magacu hore u ahaa, “Dusha-mareeb,” isaga oo markii danbe isu badaley “Dhuusa-mareeb.”
Guddoomiyihii hore ee Maamulkii Ahlu-sunna u qaabilsanaa degmada oo aan xogwareysi la yeeshey ayaa sheegey in ay jiraan dad qaba aragtida ah in magaca looga jeedey Biya-xireenka.

Madaxweynihii hore ee dowladdii 2aad ee rayadka aheyd, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmarke (Alle Ha u Naxariisto), ayaa sanadkii 1969 go’aamiyey, in Gobolka Galgaduud laga soo jaro Mudug, waxayna magaalada Dhuusamareeb noqoneysey magaala madaxda gobolka cusub. Guddoomiye Yusuf Xasan Ciyoow oo xilligaas ka mid ahaa dadkii joogey, ayaa sheegey in qorshaha safarkii ugu danbeeyey ee lagu diley Madaxweynaha ay ku jirtey in uu soo maro Dhuusamareeb, si uu ugu dhowaaqo gobolka cusub ee Galgaduud, magaala madaxdiisuna noqoneysey Dhuusamareeb. Sidoo kale, qorshaha waxaa ku jirey in magac cusub loo bixiyo magalaada. Nasiib darro, ma dhicin oo sidii dadkii magaalada maalintaas oo dhan qorraxda u taagnaayeem, una sugayeen soo dhoweynta madaxaweynaha, ayaa lagu wargeliyey in la diley madaxweynihii qaranka, waxaana halkaas ku kala dareerey dadkii u diyaarsanaa soo dhoweynta madaxweynaha, iyada oo farxaddoodii isu baddashey murugo.

Ma jirin jiho rasmi ah oo magaca Dhuusamareeb bixisey, mana jirin kaalin ay bulshada deegaanku ku lahaayeen magac bixinta. Wakiilada Talyaaniga iyo dadka deegaanka ayaa magaalada u kala adeegsan jirey magacyo kala duwan, waxaana ka mid ahaa; Nasiib-badan, Daar-dheer, Xammureey, Dusma-reeb iyo Dhuusamreeb.

Dowladdii Kacaanka ayaa sanadkii 1972 magaalada ka dhagax dhigtey dhismaha saldhigga Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Qeybtaan ayaa ah qeybta ugu caansan taariikhda qeybaha CXD, waxaana lagu xasuustaa kaalintii ay ka qaadatey dagaalkii 1977 iyo dhacdooyin kale oo ka horreeyey iyo qaar ka danbeeyey. Madaxdii Kacaanka ayaa sanadkii 1972 ku raacdey dowladdii ka horreysey, in Gobolka Galgaduud laga soo jaro Mudug, waxaana magaala madax u noqotey magaalada Dhuusamareeb.

Doodo badan ayaa ka dhashey magaca markaas loo adeegsan jirey magaalada, kaas oo ahaa “Dhuusa-mareeb’, waxaana diidmo iyo doodo adag kala horyimid madaxda Kacaanka, intooda ka soo jeedda gobolada Mudug iyo Galgaduud uuna ku jirey Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre (AUN). Guddoomiye Yusuf Xasan Ciyoow oo xog-ogaal u ahaa doodaha la xariirey magaca magaalada, ayaa sheegey in magacyo badan la soo bandhigey, lagana doodey, iyada ugu danbeyn sanadkii 1984, dowladda iyo dadka magaaladuba isku raaceen in loo bixiyo magaalada, magaca “ Raydable.” Nasiib darro intii lagu guda jirey hababkii magac baddalidda magaalada ayay dowladdii Kacaanka dhacdey, waxaana xigey burburkii qaranka, halkaas ayeyna ku hakatey dooddii la xariirtey magaca magaalada.

Dunida iyo Soomaaliyaba, waxaa jirey magaalooyin magacyadooda la balaey ama la saxey, iyada oo la tixgelinayey rabitaanka, taariikhaha, dhaqanka, iyo diinta bulshada ku dhaqan magaalooyinkaas. Sidoo kale, waxaa magacyada magaalooyinka loo badalaa ilaalinta dareenka shaqsiyaad ama koox ka tirsan bulshada. Waxaa kale oo dhacda in magaca magaalo loo badalo, kaliya, in uu yahey magac ceeb ah ama aan habbooneyn.

Magaalooyinka magacyadooda la saxay ama la badaley ee dunidaan aan joogno maanta, kuwaooda ugu caansan, waxaa ka mid ahaa;

1. Magaalada Beled-xaawo, waxaa hore loo oran jirey “Buulo-xaawo,” iyada oo loogu magac darey hooyo magaceeda Xaawo la dhihi jirey oo meherad yar ku ku bilaawdey magaalada, waxaase markii danbe loo badaley magaca “Beled-xaawo.”

2. Tuulada Miir-taqwo ee gobolka Sh/dhexe, wuxuu magaceedu hore u ahaa “Miir-tuugo,” waxaase markii danbe loo badaley “Miir-taqwo,” iyada oo magaca loo arkey mid aan ku habbooneyn bulshada deegaanka.

3. Magaalada “Istanbul” waxaa hore loogu magacaabi jirey “Constantine,” oo ahaa magacii ay u bixiyeen Roman-kii xukumi jirey, waxaana “Istanbul” laga dhigey sanadkii 1930.

4. Magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaa hore loo oran jorey “Nieuw Amsterdam” oo ay u bixiyeen Holandeyskii qabsadey, waxaana laga badaley magacaas sanadkii 1664, iyada oo loo bixiyey “New York.”

5. Magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaa mar lagu magacaabi jirey “York” oo ay u bixiyeen British-kii qabsadey, waxaase muddo kaddib dadkeedu bilaabeen afti ay ku doonayaan in magaaladooda loo soo celiyo magaceeda hore, kaas oo ahaa “Toronto.” Sanadkii 1834 ayaa magaalada dib loogu soo celiyey magaceedii hore.

6. Magaalada Oslo ee Norway, waxaa hore loogu magacaabi jirey “Kristiania” oo ahaa magaca boqor mar xukumi jirey, waxaase dib loogu celiyey magaceeda hore “Oslo”sanadkii 1925.

7. Magaalada Mumbai waxaa hore loo oran jirey “Bombay” oo ay u bixiyeen Britishkii gumeysan jirey India, waxaana laga badaley magacaas sanadkii 1995, iyada oo loo bixiyey “Mumbai.”

Sidoo kale, waxaa jira dalal magacyadooda la saxay, waxaana ugu danbeeyey dalka Turkey-ga oo hore loo oran jirey “Turkey.” Ereyga Turkey ayaa la xariira magaca Shinbir aan laga jecleyn dalkaaas, wuxuuna madaxweynaha dalkaasi go’aamiyey in magaca dalka la saxo lagana dhigo “Turkiye,” magacaan oo ay u arkaan in uu ka tarkumayo dhaqanka iyo ilbaxnimada dadka Turkishka ah. Dalka Swaziland ayaa dhowaan magaca laga badaley, waxaana magaciisa laga dhigey Eswatini. Sidoo kale, Dalka Congo DR waxaa hore magaciisu u ahaa “Zaire.” Dalal badan oo caalamka ah ayaa magacyadooda iyo nooca maamulba iska badaley, waxaana ugu badnaa dalalkii ka sameysmey burburkii Midoowgii Sufiyeetka.

Soomaaliya, ugu yaraan, Afar jeer ayaa la badaley magaceeda ama magaca nooca maamulka, waxaana ka mid ahaa magacyada soo marey; Jamhuuriyada Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliyeed iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed. Dhammaan wax ka badalka lagu sameynayey magaca nooca maamulka dalka, waxaa keenayey duruufo taagnaa, kuwaas oo gudaha ama dibadda ka imaanayey.

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ogoosto 2020, kaga dhawaaqey xiritaanka shirkii madaxda Soomaalida oo lagu qabtey Magaala Madaxda Galmudug, in la badaley magacii magaalada, loona bixiyey “Sama-reeb.” Madaxweynaha ayaa sheegey in dhowr magac la soo jeediyey, ugu danbeyna uu la hoobbaandey magaca Sama-reeb. Dad badan oo ka soo jeeda Magaalada ayaa diidmo ka muujiyey magac bixinta cusub, waxayna ku doodeen in aan aad looga fiirsan magac bixintaan, iyaga oo sheegey in magaca cusub uusan wax xariir ah la laheyn, deegaanka, dhaqanka, taariikhda iyo dadka, guud ahaan gobolka, gaar ahaan, magaalada. Guddoomiyaha degmada, Mudane Geeda Qoroow oo ku dhawaaqista kaddib, la hadlay BBC-da ayaa sheegey in aysan fududeyn magac baddalka magaalada, isaga oo intaas ku darey in magaca cusub uu yahey mid fasiraadyo kala duwan yeelan kara, lagana yaabo in uu ka su’aalo badnaado kii hore. Guddoomiyaha ayaa raacsan aragtida badalka magaca Magaalada, wuxuuse soo jeediyey in si qoto dheer loo turxaan bixiyo arinta, lagana ilaaliyo degdeg iyo laab lakac.

Dhinaca kale, waxaa jirey dad soo dhoweeyey magaca cusub ee magaalada loo bixiyey, waxayna ku doodeen in ay dhib ku qabeen magaca magaalada. Si kasta oo ay ahaataba, waxaa magacii cusbaa (Sama-reeb) ee la bixiyey ugu war danbeysey maalintii laga maqley afka madaxweynihii Dowladda Federaalka. Dowladda Galmudug ayaa weli isticmaasha magacii hore ee magaalada, waxayna taasi ka dhigan tahey in magac bixintaasi ay noqotey mid fashilantey sabab kasta oo keenteyba.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Galgaduud, Mudane Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) oo aan xogwareysi la yeeshey, ayaa sheegey in muddadii uu xilka hayey dhowr jeer laga doodey magaca magaalada, la iskuna dayey in la badalo, waxaase markasta caqabado ka imaanayeen ayuu yiri; magaca la qaadanayo. Guddoomiy Cirfe ayaa weli aaminsan in ay lagama maan tahey in magaca magaalada la badalo, loona bixiyo magac munaasab ah.

Maamulkii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee mar soo maamuley magaalada, ayaa sidoo kale, dood ka yeeshey magaca, waxayna saraakiisha qaarkood qabeen in magaca la badalo ama la saxo, waxaase magaalada laga saarey, iyaga oo aan doodda dhammeysan, wax tallaab ahna ka qaadan magaca.

Maamulkii Ahlu-sunna ee magaalada soo marey, ayaa sidoo kale la ii xaqiijiyey, in ay doodo badan ka yeesheen magaca magaalada, iyada oo markii danbe la isku raacey in la badalo magaca. Guddoomiyihii hore ee degmada u qaabilsanaa maamulkii Ahlu-sunna, Macallim Nuur Cilmi Cabdulle, ayaa sheegey in ay doodo badan ka yeesheen magaca, isaga oo intaas ku darey in ay isku keeneen 100 qofood oo qeybaha bulshada ka kala socdey, kuwaas doodo adag ka yeeshey arinta magaca magaalada. Sida uu xaqiijiyey Guddoomiye Macallim Nuur, dadkii dood ka qeybgaley ayaa 90% isku raacey in magaca magaalada la badalo, waxayse isku raaci waayeen magaca cusub ee loo guurayo.

Aniga oo doonayey in aan ogaado xaqiiqda iyo aragtida dadka ee la xariirta magaca, ayaan Konton Qofood oo deggan magaalada Dhuusamareeb weydiiyey, sida uu ku yimid magacaani, waxayna 75% ku jawaabeen, “Waa magac iska raacey magaalada mana jirto cid bixisey” halka 25% ay ku jawaabeen, “Maamuladii soo marey ayaa bixiyey.” Mar aan weydiiyey, sida ay u arkaan magaca “Dhuusa-mareeb” ee magaaladooda lagu yaqaan, waxay 81% muujiyeen in aysan ku qanacsaneyn magaca magaaladooda, ayna u arkaan wax aan habbooneyn, halka 19% ay muujiyeen in ay ku qanacsan yihiin magaca.

Sidoo kale, Mar aan weydiiyey, sida ay u arkaan in la badalo magaca magaalada, 74% waxay sheegeen in ay soo dhoweynayaan in la badalo magaca, loona bixiyo magaalada magac ku habboon, halka 26% ay ka soo horjeesteen in la badalo magaca, iyaga oo ku sababeeyey in magaaladu caan ku tahey magaca, iyo in dad badan uu dukumentiyadooda ugu qoran yahey magacaas, badalkiisuna dhib u keeni karo.

Dhinaca kale, waxaa jira dad magaalada ka soo jeeda, kuwaas oo dukuementiyooda ku qortey magaalooyin kale, waxayna ku doodeen in aysan jecleysan magaca lagu yaqaanno magaalada, ayna u arkaan wax aan habbooneyn in uu ka muuqdo warqadahooda ama dukumentiyadooda. Macallim Maxamed, waa bare ku dhashey magaala Dhuusamareeb, waxaase shahaadooyinka iyo dukumentigiisa oo dhan ugu qoran magaalo kale. Ustaad Maxamed ayaa sheegey inuu u arkay magacaasi mid aan habbooneyn, sidaasna uga leexdey in uu ka muuqdo dukumentiyadiisa.

Magac magaalo oo la badalo ama la saxo ma ahan wax adag, waxaana jira habab la isku waafajiyo dukumentiyada hore iyo magaca cusub. Sida ku xusan maqaalkaan, waxaa jira magaalooyin badan oo qaaradaha dunida ku kala yaalla, kuwaas oo la badaley ama la saxey magacyadooda, mana jirin wax caqabado ah oo ay kala kulmeen dadka magaalooyinkaas.

Sida ay sheegeen odoyaalo waayo u soo joogey, doodda ka taagan magaca magaaladaan, waxay soo jiitameysey laga soo bilaabo markii laga qodey Ceelkii ugu horreeyey ilaa maanta. Dhammaan maamuladii dalka iyo magaaladaba soo marey oo ay ku jiraan Maamulkii Talyaaniga, Dowladdii Rayadka, Dowladdii Kacaanka, Maxaakiimtii Islaamiga aheyd, Maamulkii dowladiihii KMG ahaa, Maamulkii Ahlu-sunno, Dowladda Federaalka, iyo Maamulka Galmudug, waxay doodo badan ka sameeyeen magaca magaalada, iyaga oo qaatey go’aamo lagu badalayo magaca, waxaase markasta horjoogsanayey caqabado kala duwan.

Ugu danbeyn, Magaalada Madaxda Gobolka Galgaduud, waa magaalo taariikh leh, laguna yaqaanno kaalinta ay dadkeedu uga jiraan Soomaalida ee dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda, waxbarashada iyo halganada. Maamulka Magaalada, Dowladda Galmudug iyo bulshada ku dhaqan magaaladaas, waxaan u soo jeedinayaa in la badalo ama la saxo magaca magaalada, lagana saaro ereyga la soo dhex geliyey ee aan munaasabka ku aheyn magaalada iyo bulshadeedaba. Aniga oo tixraacaya, dareenka, taariikhda, iyo dhaqanka, waxaan soo jeedinayaa in la qaato magacyadaan midkooda; Dusma-reeb, Daar-dheer, Raydable, iyo Xamurreey. Sidoo kale, waxaa jiri kara magacyo ka sii habboon oo tixgelin mudan, kuwaas laga yaabo in laga dhex heli karo haddii bulshada deegaanka la tashi lala yeesho.

Tixraacyada (Sources)

Xogwareysi, Nabadoon Cadceed Shiikh-doon Diiriye, Dhuusamareeb, Somalia, April 2023.
Xog-wareysi, Guddoomiyihii hore gobolka Galgaduud, Yuusuf Xasan Ciyoow, Dhuusamareeb, Somalia, April 2023.

Xogwareysi, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Galgaduud, Mudane Xuseen Cali Weheliye (Cirfo), April 2023.

Xogwareysi, Guddoomiyihii hore ee degmada u qaabilsanaa Maamulkii Ahlu-sunna, Macallim Nuur Cilmi Cabdulle, Dhuusamareeb, Somalia, April 2023.

Xog-wareysi, Nabadoon Cabdi Xaashi Xaayoow, Dhuusamareeb, Somalia, April 2023.
Xogwareysi, bare sare, Macallim Maxamed, April 2023.

Wareysi, Guddoomiye Geeda Qoroow, BBC, August 2020.
Sahmin iyo Weydiin, qaar ka mid ah dadka, Dhuusamareeb, Galmudug, Somalia, April 2023.

https://www.mentalfloss.com/posts/cities-that-have-changed-names.

Col. Mohamed Aden Koofi, Ph.D