Kismaayo(AGGM) Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid cakiran isla markaasna kooxaha dagaalamaya isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan waxaana la sheegayaa in dagaalka ay ka qayb qaadanayaan ciidamo aad u badan oo hubeysan oo akla tageersan dhinacyada dagaalamaya,waxaana wararku sheegayaan in dagaalkaasi uu yahay mid marba marka kii dambeysa sii xoogeysanayaan.
Ciidamada tageersan Nin lagu magacaabo Iftin Xasan Baasto ayaa la sheegaya inay dagaalkaasi horumar ka sameynayaan isla markaasna la wareegeen farisiimo ciidanada Jabhadda Raaskambooni ku lahayeen gudaha kismaayo,waxaana wararku sheegayaan in khasaaraha dhinacyada dagaalamaya soo gaaraya uu sii badanayo iyadoo dhinacyada dagaalamayaan ay kala helayaan gurmadyo kala duwan.
Dhinaca kale waxaa magaalada kismaayo ku sugan ciidamo badan oo aad u lixaad leh kuwaasi oo laag cabsi qabo inay dagaalka ku biiraan isla markaasna dhinacyada dagaalamaya la kala saftaan,waxaana dadku sheegeen in dagaaladaasi saameyn xoogan ku yeesheen isu socodka Iyo gaadiidka dadweynaha,waxaana shacabku ku xeeroodeen guryahooda.
Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay gaadiid dagaal kala qabsadeen isla markaasna dhimashada iyo dhaawacuna sii xoogeysanayaan,waxaana wararku sheegayaan in gaari nooca 3f-ka ah oo qoriga Dhashiikuhu saaran yahay ciidamada Axmed madoobe looga qabsadey nawaaxiga Dalcad oo dagaalo xoogan ka socdaan.
Dhaawacyo noocyo kala duwan ah ayaa la sheegayaa in hadda la gaarsiiyey isbitaalka magaalada Kismaayo,waxaana wararku sheegayaan in ciidamadii Raaskambooni ee ay hadda dib ugu gurteen dhinaca Dekadda Iyo Garoonka oo dagaalo culus ka socdaan isla markaasna dagaaladu ku faafeen.
Ugu dambeyntii ciidamada Amisom ee ka kala socda wadamada Siraliyoon iyo Kiiniyaa ayaa la sheegayaa inay dagaalkaasi sheedda kala socdaan isla markaasna aysan soo kala dhex galin kooxaha dagaalamaya,waxaana arrintaasi tahay mid aad loola yaabay,taasi oo dhabar jab ku noqoneysa koox aaminsaneyd in ciidamada Amisom u kala hiilin doonaan.
Wararka ka Soo Kordha Dagaalkaasi kala soco Allgalgaduud
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com