Barakac Xoogan Iyo Xiisado Ka Taagan Caawa Magaalada Kismaayo

0

ciidamada_xooga_dalka_MarkaKismaayo(AGGM) Xaalada guud ee magaalada kismaayo ayaa ah mid xasiloon,waxaana gudaha magaalada caawa laga dareemayaa inay dadka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada kismaayo ay ka barakacayaan,waxaana dadkaasi ka cabsi qabaan in kooxaha magaalada ku dagaalamay labadii maalmood ee la soo dhaafay ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan.

Dadka Rayidka ah waxaa la sheegayaa inay doonayaan inay ku barakacaan duleedada magaalada kismaayo iyo degmooyinka ku dhaw dhaw,waxaana dadka qaarkood la sheegayaa inay u barakacayaan degmooyinka Afmadow, Jilib iyo Goobweyn halkaasi oo doonayaan inay kaga badbaadaan khasaare ka soo gaara dagaalada dib uga qarxa magaalada kismaayo.

Magaalada Kismaayo waxaa kuwa sugan ciidamo badan oo kala feker ah isla markaasna ka amar qaata madaxweyneyaal kala duwan oo dhawaan loga dhawaaqay,waxaana mid kastaa haystaa ciidamo badan  oo beeshiisa ka tirsan taasi oo sababtey in xaalada magaalada kismaayo noqotey mid aan farro ku jirin.

Dhinaca kale labadii dhinac ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dagaalamayey ayaa gudaha iyo banaanka magaalada ka wada dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan kaasi oo ku doonayaan inay qoloba qollada kale kaga awood roonaato,waxaana hadda ay isku horfadhiyaan qaybo ka mid ah magaalada kisamayo sida Calanley, VIA Afmadow iyo degaano kale oo gudaha iyo banaanka kismaayo ah.

Waxaa kale oo gudaha magaalada kismaayo olale nabadeed ka wada waxgaradka magaalada kismaayo oo ku baaqaya in dagaalada la joojiyo isla markaasna kooxaha dirirayaa la kala dhex galo miiska wada hadalkana la yimaado balse uma muuqato in kooxaha dagaalamayaa ay doonayaan inay wada hadlaan waxana dhinac kasta wadaan dhaqdhaqaaq iyo hub urursi kala duwan.

Si kastey ahaaataba waxaa gudaha kismaayo laga dareemayaa cabsi dagaal iyo barakac ay sameynayaan dadka ku dhaqan kismaayo kuwaasi oo inta badan doonaya inay ka badbadaan dagaalo hor leh oo ka qarxan gudaha magaalada kismaayo kuwaasi oo u dhexeya kooxaha ku loolamaya gacan ku haynta magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com