Kismaayo(AGGM) Ciidamada Siraliyoon ee qaybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom isla markaasna ku sugan magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay caawa rasaas ay fureen ku dhaawacmeen laba ruux oo shacab ah kuwaasi oo ku sugnaa Xaafada Aargada ee magaalada Kismaayo.
Dhaawacan ayaa yimid ka dib markii dhalinyaro hubeysan oo qorya wataa ku fiqeen ciidamada Siraliyoon oo ku sugnaa meel u dhaw Xaafada Aargada,waxaana la sheegey in ciidamadaasi rasaas kaga jawaabeen falkaasi taasi oo keentey inay ku dhaawacmaan laba wiil oo dhalinyarro ah kuwaasi oo dhaawacooda loo qaaday.
Ciidamada Siraliyoon ayaa la sheegayaa inay kulan la qaadanayeen Istiin Xasan Baasto oo dhawaan dagaalo la galay ciidamada Raaskambooni,waxaana la sheegey in ciidamada Amisom kulankaasi kula qaadanayeen Istiin Xasan Baasto guri ku yaala Xaafada Aargada ee magaalada Kismaayo halkaasi oo uu ka degan yahay.
Ciidamadan ayaa Istiin Xasan Baasto kala wareegey Maxaabiis Raaskambooni ka tirsan oo lagu qabtey dagaalkii dhawaan ka dhacay kismaayo iyadoo sidoo kalena ay Istiin Xasan Baasto ku warejiyeen Maxaabiis dagaal oo isna dagaaladaasi looga qabsadey,waxaana la sheegey in falkani dhacay markii ay ka sii laabanayeen isla markaasna kulankoodu soo dhamaaday.
Ciidamada Siraliyoon ayaa ah kuwo feejignaan dheeri ah qaba isla markaasna inta badan Magaalada Kismaayo dhex wareega iyagoo doonaya inay bartaan wadooyinka magaalada Kismaayo,waxaana la sheegaya in ciidamadi Siraliyoon markii falkaasi dhacay ay ku laabteen Garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo halkaasi oo ay farisiin ciidan ku leeyihiin.
Si kastey ahaataba waxaa la sheegayaa in ciidamadasi Istiin Xasan baasto ku soo wareejiyeen caawa laba ka mid ah Maxaabiis dhawaan looga qabtey ciidamadiisa dagaaladii kismaayo ka dhacay iyadoo sidoo kale ay Istiin Xasan Baasto kala wareegeen maxaabiis dhinaca raaskamboni looga qabsaday dagaaladii dhawaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com