Xukumada Oo Digniin U Jeedisay Dadka Tageera Alshabaab

0

BinaryDataHandlerKismaayo(AGGM)  Mudane Cabdi kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay arrimaha Alshabaab ayaa sheegay in ciddii Lagu helo iyadoo Taakuleyneysa Al Shabaab ay dowladda ula Macaamileyso sida Ururka Al Shabaab,Waxaana uu daboolka ka qaaday in ciddi arrimahaasi lagu helo ay noqon doonaan kuwo ka shalayaa dhibaatada soo gaarta.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xusay in Ururka Al Shabaab ay Caqabad ku yihiin horumarka dalka islamar ahaantaana ay ku dhex jiraan qeybaha kala duwan ee Bulshada loona Baahanyahay in dowladda Lagu gacansiiyo La dagaalanka Al Shabaab.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa carabka ku dhuftay in La helo Ciidamo gaar ah oo la dagaallama dhaq dhaqaaqa Al Shabaab islamar ahaantaana Ciidamadaasi si gaar ah loo taakuleeyo.

Hadalkan wasiirka ayaa imaanayaa xilli uu shalay shaaciyey in dawladu wado qorshe ay ku dhegeysaneyso Telefoonadda dadka isla markaasna lala socon doono dhaqdhaqaaqa iyo cid kasta oo isku dayda inay falal ka fuliso gudaha dalka soomaaliya,waxaana uu sheegey in qorshahaas halis ku yahay hawlaha argagixiso ee Alshabaab.

Ugu dambeyntii waxaa arrintani dhabar jab ku noqonaysaa Falaagada Alshabaab oo waxyaalo badan u adeegsada telefoonada kuwaasi oo ka mid ah qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha dalka soomaaliya,waxaana talaabadaasi ku noqoneysaa mid aad u dhabar jabisa falaagada Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com