DHAGEYSO:- Guddoomiyaha cusub ee Degmada Hodon oo Xilka la wareegay.

0

Todobaadyadii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho waxaa ka socotay isku shaandheynta Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ilaa hadda isku shaandheyntaasi ka dhacday ilaa iyo 5 Degmo oo Xilalkii laga qaadan kuwa cusubna loo magacaabay halka kuwa qaarna la isku dabaddalay.

Maanta waxaa Guddoomiyaha Degmada Hodon la wareegay Guddoomiyaha cusub ee loo magaacaabay Degmadaasi kaas oo lagu magacaabo  Axmed Salaad Ibrahim, waxaana uu xilkaasi kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Degmada Hodon Xaawo Kiin Max’uud Cali oo iyada qudheeda loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waabari, halka kii Degmada Waabrina la geeyay Degmada Shibis iyada oo kii Shibisna la geeyay Kaaraan, kii hore ee Kaaraanna la keenay Shangaani.

Maamulka Gobolka Banadir ayaa sheegay in isku shaandheyntay kaliya looga dan leeyahay is dhex galka Bulshada Gobolka Banadir iyo is aaminaadda Shacabka Gobolka.

HOOS KA DHAGEYSO: