Inta badan Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa dhacdo yar oo ka dhacday degaanka Epsom Derby kadib markii Wiil aad u yar oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Imaaraadka Carabta uu ka talaabay dhaqanka Protocol Reer galbeedka.
Wiilkaani oo aad u yar ayaa waxa uu ka yaabsaday Boqolaal qof oo u badnaa Boqoro soo booqday boqorada Ingriiska Elizabeth, waxa uuna wiilkaasi burburiyay dhaqanka loo salaamo dadka kadib markii uu garab istaagay Boqorada kadibna iska siibay Koofiyad weyn oo uu watay islamarkaana ruxay gacanta Boqorada halkii laga sugaayay inuu caadi u salaamo oo uusan nuuxin gacanta Boqorada.
Waxa fidiyow laga duubay salaanta boqorada iyo wiilkaa yar, Bogiisa Instagram-ka ku baahiyay Amiirka leh dhaxalka Imaarada Dubai ee dalka Isu Taga Imaaratka Carbeed.
Boqorada oo waqti xaadirkaasi ku sugneyd degaanka Epsom Derby, ayaa aad ula tacajabtay ficilka uu ku kacay wiilkaasi waxa uuna sidoo kale ka yaabiyay Boqoradii kale ee usoo martiyeeyay Boqorada.
DAAWO SAWIRADDA