Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Maanta

0

IMG_9871Muqdisho (AGGM) Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,ka dib markii uu safar shaqo ku tagay magaalada London ee caasimadda dalka ingiriiska.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari)ra’iisulwasaaraha xukuumadda soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan baaralamanka soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyda ayaa ka war bixiyaya safarka uu madaxweeynaha ku tagay magaalada London.

Eng  Yariisow ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka qeyb galay xafladii ay qabatay boqoradda dalka ingiriiska,waxana madaxweynaha ay isku arkeen xafladassi qaar ka mid ah madaxdii lagu casuumay isagoo kala hadlay arrimaha soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulmay ra’iisulwasaaraha dalka ingiriiska David Cameron oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo halka ay xaalada soomaaliya.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb galay shirkii hordhaca ahaa ee wadamada G8ka waxana uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay arrimaha soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho labo maalmood qaadatay waxa uu ku joogay dalka ingiriska,waxana kulamadii uu madaxweynuhu la yeeshay madaxda kala duwan ay ku soo dhamaadeen guul.

 Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com