(Daawo-sawiro) Ururka Suxufiyiinta Bariga Africa oo Hoggaan Cusub Doortay.

0

Shirweyne aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen wadamada ku mideysan Ururka Suxufiyiinta Bariga Africa ee (EAJA) oo ay ka mid yihiin  Somalia, Djibouti, Uganda, Tanzania, Seychelles, Rwanda, Burundi, Ethiopia and Eritrea ayaa lagu qabtay hotelka Monarch ee magaalada Nairobi 30-31 Luulyo, 2015.

Shirweynaha ayaa ujeedadiisu tahay sidii oo loo soo afmeeri lahaa khilaafka muddada sanadka ah jira ee ka dhex jiray urur goboleedka ee la xiriira dhinaca hoggaanka, taasoo magaca ururka dhaawac khatar ah u geysatay.

Shirweynaha  oo ay martigelineyeen ururada Suxufiyiinta ee Kenya ee KCA iyo KUJ ayaa waxaa soo abaabulay ururka Suxufiyiinta Africa iyo Xafiiska Ururka Suxufiyiinta Adduunka xafiiskiisa Africa, iyadoo dhaqaale ahaana ay taageereen deeq bixiyaal dhowr oo ay ku jirto safaarada dalka Canada ku leeyahay magaalada Nairobi.

Urur horeyn waxaa meesha furitaanki ka hadlay Wiliam Oloo Janaak oo ah Guddoomiyaha Ururka Kenya Correspondents Association (KCS) iyo  Eric Oduor oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Kenya (KUJ) oo martigelinayay shirka oo ay soo qabanqaabiyay xafiiska Ururka Suxufiyiinta Africa, oo ah urur goboleedka ururka suxufiyiinta Adduunka (IFJ).

Guddoomiyaha FAJ, Maxamed Garba oo ayaa furitaanka shirka qiray in dhibaatooyin adag ay heystaan suxufiyiinta bariga Africa  oo ay ka mid yihiin, xarig, dil, dhibaateyn iwm, isagoo tilmaamay in midnimo looga gudbi doono. Shirka waxaa kale oo ka soo qeyb galay wakiilo ka socdo Safaaradda Canada ee Nairobi, Hay’adda FES oo labaduba dhinaca dhaqaalaha ka taageerayay shirka, Xoghayaha Fulinta ee Golaha Qareenada Caalamiga ah (ICJ), Xoghayaha Fulinta ee Golaha Warbaahinta Kenya.

Labo maalmood oo shirku socday ayaa maalintii shalay ee furitaanka shirka kadib, waxaa goobta lagu shaaciyay buugyare oo ay iska kaashadeen ururka suxufiyiinta bariga Africa iyo Kan Africa oo lagu magacaabo Investigative journalism and corruption.

Ugu dambeyntii, ka soo qeybgalayaasha shirka oo metelay 11 dal oo Bariga Africa ah ayaa waxaa meesha ku doorteen hoggaan cusub, iyadoo doorashaduna ay u dhacday hab cadcadaan ah. Waxaana Guddoomiye loo doortay – Abraham Antenneh (Ethiopia), Guddoomiye Ku xigeenka koowaad, Mr Eric Oduor (Kenya), Guddoomiye ku xigeen – Marwo Aisha Youssouf (Djibouti), Xoghaye Guud– Mr Alexandre Niyungeko (Burundi),  Qasnaji– Marwo Saphia Ngalapi (Tanzania), La taliye– Stephen Ouma Bwire (Uganda),  La Taliye– Marwo Maureen Mudi (Kenya).

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Africa  (FAJ) Marwo, Maria Luisa Rogerio, oo shir guddoomineysay shirka intii doorashayooyinka socdeen, heysatayna sharciyad ah in ay shirkaas ay qabtaan oo ay u talo saarteen ururada ku mideysan EAJA ayaa kadib shir guddoonka wareejisay markii doorashadu dhacday.

Qabsoomidda shirweynaha iyo doorashada hoggaanka cusub ayaa wax badan ka bedeli doonta howlaha ururka u qabanayo wadamada uu sida tooska u metelo. Waxaa kali ah oo aan shirka ka soo qeyb gelin dalka Suudaan.

bariga-afrika-2 bariga-afrika-8 bariga-afrika-7 bariga-afrika-5 bariga-afrika-4 bariga-afrika-3 bariga-afrika-2 bariga-afrika-4