Muqdishi(AGGM) Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa xalay sedaxdii habiinimo soo qabtay horjooge Xasan Daahir Aweys iyo maleeshiyaad la socday.Waxaana la sheegayaa inaan wax iska horimaad ahi ka dhicin halkaasi,waxaana la aaminsan yahay in Xasan Daahir Aweys isu soo dhiibey iskiis maadama uusan dagaalamin.
Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey ayaa warbaahinta u sheegay in horjooge Xasan Daahir Aweys ay soo qabteen ciidamo uu watay madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex).
Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in wax iska hor imaad aysan dhicin markii la soo qabanayay Horjooge Xasan Daahir Aweys.Horjooge Xasan Daahir Aweys ayaa habiin dooni uga fakaday Degmada Baraawe oo uu ku sugnaa mudooyinkii ugu danbeeyay,waxana uu gaaray deegaanada uu ka arimiyo maamulka Ximan iyo Xeeb.
Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu shir jaraa,id ku qabto degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb,isaga oo ku faahfaahin doono qaabkii ay ku suura gashay soo qabashada horjoge Xasan Daahir Aweys.
Si kastey ahaataba talaabadan waxay ku soo beegmaysaa xilli Alshabaab ay iska soo horjeedaan isla markaasna u kala jabeen laba garab,waxaana la aaminsan yahay in kooxo kale oo ka tirsan Madaxda Alshabaab iyana isu soo dhiibi doonaan dawlada federaalka ah ee soomaliya iyo maamullada kale ee dalka ka jira.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com