Horjoogaha Alshabaab Oo Gawracay Rag Alshabaab Ka Tirsanaa

0

AlshabaabMuqdisho(AGGM) Faah faahin dheeraad  ah ayaa ka soo baxaysa horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo dhawaan maleeshiyaad taabacsan Axmed Godane ay ka ka kaxaysteen Magaalada  Baraawe ee Gobalka Shabeeladda Hoose.

Ilo wareedyo muhiim ah oo aynu ka helnay Shabaab ayaa sheegaya in horjoogeyaal ka tirsan kooxdaasi oo uu ka mid yahay Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad ‘’Ibraahim Afqaan’’ iyo horjooge kaloo magaciisa lagu sheegay Macalin Burhaan ay dileen malleeshiyo taabacsan Axmed Godane .

Labada horjooge ee la dilay ayaa maleeshiyaad raabacsan Axmed Gadane waxey dhawaan ka kaxeeysteen magaalada Baraawe,  kadib dagaalo saacado qaatay oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka Axmed Godane iyo Ilaalada horjoogayaashan,  iyadoo horjoogayaashan ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaadka Axmed Godane kadibna la qaarijiyay.

Ibraahin Afrqaan iyo Macalin Burhaan waxa ay ka mid ahaayeen horjoogayaal ka soo horjeestay fikirta Axmed Godane uu kooxdasi ku hogaamiyo iyagoo ku adkeysanayay in Axmed Godane Laga taqaluso, laakiin horjooge Axmed Gadane ayaa arintaasi u cuntami weysay,  wuxuuna go’aansaday in ragga ka soo horjeedo uu ka taqaluso.

Taasina waa midda keentay in Axmed Godane uu weerar ku ekeeyo magaalada Baraawe oo ay isku urursanayeen horjoogayaal ay ka mid ahaayeen Ibraahin Afqaan,  Xasan Daahir, Macalin Burhaan, Rooboow iyo horjoogayaal kale,  wuxuuna gacanta kusoo dhigay Ibraahin Afqaan iyo Macalin Burhaan dabeetana wuxuu amray Axmed Godane in la dilo ragan lana aaso.

Dilka Horjoogayaashi waa tan keentay in horjooge Xasan Daahir uu habeen Madow  Dooni uga cararo magaalada Baraawe una baxsado gobolka Mudug, sidoo kale waxaa isna cararay horjooge Muqtaar Rooboow Abu-Mansuur iyo Horjooge Ajnabi ah oo lagu magacaabo Abu Mansuur Al Amriikim  kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka Bakool.

Axmed Godane ayaa u muuqda in mar kale awoodii Shabaab uu gacantiisa kusoo urursaday, kadib markii uu awood ku kala ceyriyay horjoogayaashii Shabaab qaarna uu dilay,  taas oo loo arko  oraahdii aheyd ‘’Weysha Bireey Haku Quusto Dibiguye’’

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com