Muqdisho(AGGM) Culumaa’diinka Soomaaliyeed ee ku nool dalka debadiisa ayaa sheegay in isdilka iyo isgaaleysiinta kooxda Alshabaab ay tahay sifooyinkii lagu yaqiin taariikhda khawaarijta.
Sheekh C/raxmaan Shariif oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ayaa sheegay in dabeecada Khawaarijta ay ka mid tahay in iyaga laftoodu ay isgaaleeysiiyaan isna laayaan markii ay waayaan dad ay xasuuqaan.
‘’Marka la eego taariikhda Islaamka dabeecada khawaarijta waxaa ka mid ahaa iney iyagu u kala qeybsamaan firqooyin farabadan kadibna iyagu is laayaan isna gowracaan waana dambeecad ay leeyihiin khawaarijta’’ Sidaasi waxaa yiri Sheekh C/raxmaan Shariif.
Hadalka Sheekh C/raxmaan ayaa imaanaya xilli uu khilaaf ba’an ka dhex taaganyahay maleeshiyaadka Shabaab, iyadoo qaar ka mid ah horjoogayaashii Shabaab ugu caansanaa sida Ibraahin Afqaan iyo Macalin Burhaan dhegta dhiigga loo daray halka horjooge Xasan Daahirna uu naftiisa kala soo baxsaday kooxdii khawaarijta ee uu ka mid ahaa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com