Muqdisho (AGGM): Kaddib markii qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalladii Kismaayo la geeyay magaalada Muqdisho ayaa waxaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku booqday guddi ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u xil saartay inay soo eegaan xaaladda dadkaasi.
Guddiga oo shalay kormeer ku tagay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay liidato xaaladda dadkaasi dhaawaca ah ee ku soo waxyeelloobay dagaalladii ka dhacay dhowaan magaalada Kismaayo.
Guddigu waxa uu sheegay in dadka dhaawacyada qaba ay u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah, oo ay saameeyeen dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo.
Guddiga ayaa xusay inay dhowaan isbitaal Madiina geyn doonaan deeq dawo ah si wax looga qabto xaaladda caafimaad ee bukaannada ku jira isbitaalka.
Ku dhowaad 60 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa shalay la dhigay isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ku soo dhaawacmay dagaallo dhowaan ka dhacay magaalada Kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com